TABABARKA QORAALKA QUMMAN EE AFSOOMAALIGA (WASAARADDA) QORSHEYNTA, HORMARINTA IYO ISKAASHIGA CAALAMIGA

1798

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa daahfuray Tababar la siinayay qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga.

Muqdisho June 29 2024;

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa maanta daahfuray Tababar ku saabsan Af Soomaaliga Qumman oo la siinayay qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Tababbarkan ayaa waxaa bixinayay Xubano ka tirsan Guddiga Af Soomaaliga waxaana goobjoog ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta Mudane Maxamed Shire, xubnihii tababarka la siinayay ayaa maanta waxa ay qaateen cashar ku saabsan Alannada iyo Xarfaha labanlaabmo.

Guddomiye Ismaaciil ayaa kula dardaarmay xubnihii tababarka qaadanayay in ay ka faa’ideystaan islamarkaana ay xoogga saaraan in ay si wacan u qaataan casharada la siinayo.

DHAMMAAD                                                                                                        Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta