Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa ka qeyb galay barnaamijka toddobaadka dhaqanka oo ay soo qabanqaabisay Jaamacadda Jobkey.
Guddoomiye Ismaaciil ayaa uga mahadceliyay Maamulka jaaamacadd iyo dhammaan hawlwadeenada jaamacadda qabanqaaba barnaamijka toddobaadka dhaqanka, waxa uu tilmaamay in arrintaan ay kaalin weyn ka qaadaneyso hormarinta dhaqankeenna.
Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf ayaa kula dardaarmay dhammaan jaamacadaha dalkeenna in ay qeyb ka qaataan hormarinta dhaqankeenna, isaga oo carrabka ku adkeeyay in Akademiyada ay soo dhaweyneyso cid weliba oo ka qeyb qaadaneysa sidii loo ilaalin lahaa dhaqanka suubban aynu leenahay.
DHAMMAAD
Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada.







