UGAARATADA IYO UGAARSIGA

2699

Xeeldheere Prof Ciise Maxamed Siyaad ayaa xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ku soo bandhigay cashar ku saabsan Ugaaratada iyo Ugaarsiga.

Muqdisho August. 6 2024;                                                                                      Xeeldheere Prof Ciise Maxamed Siyaad ayaa soo jeediyey cashar ku saabsan Ugaaratada iyo Ugaarsiga. Dhammaan hawlwadeenada Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa ka faa’ideystay casharkan ee uu soo jeedinayay Prof Ciise Maxamed Siyaad.

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa waxa uu tilmaamay in ay wanaagsan tahay in Xeeldheere Prof Ciise iyo shaqsiyaadka la midka ah aqoontooda laga faa’ideysto isaga oo carrabka ku adkeeyay in Akademiyada ay mar weliba u taagan tahay sidii ay usii wadan lahayd hawlaheeda la xariira Cilmibaarista.

DHAMMAAD                                                                                                          Waaxda warbaahinta Akademiyada