Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa caawa ka qeyb galay Barnaamijka mahadcelinta Cilmibaarayaasha Soomaaliyeed oo uu soo agaasimay Ururka Cilmibaarayaasha Soomaaliyeed (SRA), Barnaamijkaas oo ay goobjoog ka ahaayeen qaar kamid ah dhallinyarada Cilmibaarista ku hawlan.
Guddoomiye Ismail Yusuf Osman oo munaasabaddaas khudbad dheer ka jeediyay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay Cilmibaarista, Guddoomiyaha ayaa dhiirregeliyay Clmibaarayaasha waxa uuna ku booriyay in ay Cilmibaaristooda ku saleeyaan horumarada laga gaaray Dawlad dhiska Soomaaliyeed kuna faafiyaan baraha lagu faafiyo Cilmibaarisyada Adduunyada, si uu caalamka u gaaro aqoonta iyo kartida aqoonyahanada Soomaaliyeed.
Waaxda warbaahinta iyo xiriirka dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo Suugaanta.