WADASHAQEYNTA LABADA AKADEMIYO

127

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta iyo Guddoomiyaha Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA oo kawada hadlay wada shaqeynta labada Akademiyo…

Muqdisho luulyo 29 2024;

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga Dhaqanka iyo Suugaanta, Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa maanta xarunta Akademiye-Goboleedka Af Soomaaliga ee AGA ku booqday Guddoomiyaha AGA, Barafasoor Cabdalla Cumar Mansuur.

Labada Guddoomiye ayaa ka wadahadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada xarumood, gaar ahaan horumarinta af Soomaaliga iyo cilmiyayntiisa.

Labada akademiyadood ayaa u taagan ilaalinta afka, dhaqanka, hiddaha iyo taariikhda ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiye Ismaaciil ayaa adkeeyay ahmiyadda af Soomaaligu u leeyahay isirka iyo ahaanshaha ummadda Soomaaliyeed, isagoo sidoo kale bogaadiyay dadaallada joogtada ah ee uu Barafasoor Cabdalla Cumar Mansuur ugu jiro cilmibaarista af Soomaaliga iyo horumarintiisa.

Ugu danbayntii, labada Guddoomiye ayaa isla qaatay in la sii dardargaliyo oo la mataaneeyo hawlaha labada Akademiyadood u hayaan ummadda Soomaaliyeed, iyada oo mar kasta la isku kaashanayo ilaalinta bedqabka afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD                                                                                                            Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada