WASIIR DOWLAHA WASAARADA QORSHEYNTA MAALGASHIGA IYO HORMARINTA DHAQAALAHA SOOMAALIYA

137

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Qorsheynta maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha soomaaliya.

Muqdisho August, 12, 2024;

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa xarunta Akademiyada ku soo dhaweeyay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Soomaaliya Mudane Xildhibaan Cabdirashid Jire Khalinle oo hawlo shaqo u yimid xarunta Akademiyada.

Wasiiru Dawlaha ayaa kormeeray dhammaan qeybaha ay ka kooban tahay xarunta Akademiyada, si gaar ah meelaha uu kormeeray waxaa ka mid tahy Hoolka Akademiyada oo k socday shir loog hadlayay NTP ama dajinta qorshaha Istiraatiijiyadda shanta sano ee Akademiyada ku shaqeyn lahayd.

Wasiirka ayaa bogaadiyay shaqada ka socoto xarunta Akademiyada isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyay Guddoomiye Ismaaciil dadaalka uu wado iyo isbadalka shaqo ee ka socota xarunta Akademiyada.

Ugu dambeyn Guddoomiye Ismaaciil ayaa u mahadceliyay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Soomaaliya booqashadiisa xarunta Akademiyada isaga oo tilmaamay in ay Akademiyada ay wado dadaalo lagu hormarinaayo Afka iyo Dhaqanka.

=DHAMMAAD=                                                                                                     Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada