Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo ka qeyb galay xaflad lagu daahfurayay xarun cusub oo lagu hormarinayo dhallinyarada Soomaaliyeed.
Muqdisho August 14, 2024;
Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa maanta ka qeyb galay xafladd lagu daahfurayay xarun cusub oo lagu hormarinayo dhallinyarada Soomaaliyeed.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Xildhibaan Cabdullaahi Absbirow,wasiiro, xildhibaano, Safiirka Dawladda Taliyaaniga u fadhiya Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale ayaa goobjoog ka ahaa xafladdaasi.
Xafladda inta ay socotay waxaa lagu soo bandhigay muuqaalo laga soo duubay tuulooyin hoostaga Degmada Warshiikh ee Gobolka Shabeellada Dhexe.
Guddoomiye Ismaaciil ayaa waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in la dhiirregeliyo Mudane Axmed Faqi oo ah maskaxda Xaruntan isaga oo carrabka ku adkeeyay in Akademiyada ay doorkeeda qaadan doonto.
=DHAMMAAD= Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Akademiyada