Waxaa Xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta lagu qabtay xaflad ku saabsan Ololaha waxbarista shaqaalaha dowladda Waxa ka soo qeyb galay marti sharaf kala duwan oo kamid ah ku xigeenno Wasiir dowlayaal iyo Aqoonyahanno badan waxaa kamid ahaa mdaxda ka soo qeyb gashay xaflada furitaanka Iskuulka Akademiyada, wasiir doowlaha Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare Marwo Nuura Mustaf Guudow Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhiga Mudane: Cabdulfataax Qaasim Faarax wasiir ku xigeenka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane: Cismaan Libaax Ibraahim Lataliyaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ugu horeen waxaa Xafladda lagu daah furay aayadaha Qur’aanka kariimka waxaana intaa xigay Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudan; Abdulkhadir Nuur Xuseen (Maax) ayaa soo dhaweeyey dhammaan ka soo qeyb galayaasha xaflada ololaha waxbarista shaqaalaha dowladda Waxaa ugu dambeyn xarigga laga jaray Fasallo Cusub oo ay Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ugu tala gashay in Shaqaalaha dowladda lagu baro Afka Soomaaliga iyo luqada Carabiga.



