Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa ka qeybgalay xafladda qalinjabinta Dufcadda 22aad ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Muqdisho Maarso 9,2024;
Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan oo ka qeybgalay xafladda qalinjabinta Dufcadda 22aad ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray Maamulka, Macalimiinta iyo guud ahaan Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa ku dhiirregeliyay qalinjabiyaasha inay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan dhanka waxbarashada isagoo xusay in Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay had iyo jeer ku dadaasho soo saaridda aqoonyahanno tayo leh isla markaana anfici kara bulshada soomaaliyeed.
DHAMMAAD Xafiiska warbaahinta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta







