XAFLADDA QALINJABINTA DUFCADDII 1AAD EE AQRIS QORISTA AFSOOMAALIGA IYO LUQADDA TALIYAANIGA

1578

Muqdisho 10-01-2024. Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta mudane: Ismail Yusuf Osman ayaa ka qeyb galay xaflad ay ku qalin jabinayeen Dufcadda Koowaad ee arday ka qalin jabisay Akhris Qoraalka Afsoomaaliga iyo Luqadda Taliyaaniga.

Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cusman ayaa bogaadiyay dadaalada howlwadeenada iyo Macalimiinta ay ku bixiyeen Ardayda Nasiibka uyeeshay inay kamid noqdaan Dufcadda 1aad.

Macalimiinta ayaa shahaado sharaf iyo hadiyado lagu guddoonsiiyay goobta ay ka dhaceysay xafladda qalin jabinta. Ugu dambeyn Ardayda qalinjabineysay ayaa la guddoonsiiyay Shaadooyin caddeynaya waxa ay barteen.