Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa maanta lagu qabtay Xafladda Qiimeynta Tartanka Sanadlaha ah ee Buugaagta Qorayaasha Da’da yar.
Muqdisho Maarso 7, 2024;
Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo ah hay’ad ka shaqeysa arrimaha Cilmibaarista Dhaqanka iyo Afka ayaa sannad walba waxa ay qabataa xaflad lagu qiimeynayo qorayaasha Da,da yar si loo dhiirregeliyo.
Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan oo maanta ka qeyb galay Xafladda Qiimeynta Buugaagta ay qoreen Qorayaasha Da’da Yar ee Sanadlaha ah, ayaa waxa uu sheegay in hawlaha Akademiyada ay ka mid yihiin tifatirka iyo qiimeyn lagu sameynayo buugaagta ay qoreen qorayaasha Soomaaliyeed.
Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf waxa uu carrabka ku adkeeyey in mar walba ay ku dedaali doonaan sidii ay u garab istaagi lahaayeen dhallinyarada maskaxshiilkooda waqtiga galiya sidii ay u Soo saari lahaayeen buugaag waxtar u leh bulshada qeybaheeda kala duwan.
Ugu dambeyn, waxaa shahaadooyin la guddoonsiiyay guud ahaan dhallinyaradii tartanka qiimeynta ka qeyb ka gashay si ay ugu noqoto dhiirregelin oo uu ka mid yahay Cabdixakiin Maxamed Haaddi oo uu buuggiisa Wehelka Waddaniga galay Kaalinta Koowaad.
DHAMMAAD Xafiiska warbaahinta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta.







