XARUNTA AKADEMIYADA OO MAALINTII LABAAD LAGU QABTAY DOOD-CILMIYEED

213

Xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo maalintii labaad lagu qabtay Dood-Cilmiyeed ku saabsan qaabka loo hormarin karo, isbaddalna loogu sameyn karo hawlaha Akademiyada.

Muqdisho Deseember 30 2024;

Guddoomiyaha Akademiyada Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, Agaasime waaxeedyada iyo Dhammaan hawlwadeennada Akademiyada ayaa maalintii labaad waxa ay ka qeybgaleen Dood-Cilmiyeed ku saabsan qaabka loo hormarin karo, isbaddalna loogu sameyn karo hawlaha Akademiyada.

Inta uu socday Dood-Cilmiyeedkan waxaa lasoo bandhigay doodo wax-ku-ool ah oo ay ka qeybgaleen qaar ka mid ah Agaasime waaxeedyada Akademiyada.

Koox koox ayey isku kala qeybiyeen dhammaan hawlwadeennada Akademiyada, koox welibana waxa ay ka doodeysay su’aalo loo qeybiyay oo dhammaantood ku saabsanaa sida loo hormarin karo Akademiyada.

Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cismaan ayaa bogaadiyay hawlwadeennada Akadeemiyada sida ay uga go’an tahay in ay ka qeybqaataan hormarka ka soconaya Akademiyada , waxaa uuna sheegay in sannadka hadda inagu soo aaddan Akademiyada ay la imaan doonto qorshayaal muhiim ah oo waxtar u leh bulshada qaybaheeda kala duwan.

DHAMMAAD                                                                                                        Waaxda warbaahinta iyo xiriirka dadweynaha ee Akademiyada.