XIRITAANKA KA QEYB GALKA SHIR LOOGA HADLAAYEY ARRIMO LA XIRIIRA DHAQANKA

1020

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo dalka dib ugu soo laabtay kadib safar shaqo oo Ugu maqnaa dalka Taliyaaniga.

Muqdisho April 26 2024;

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan oo safar shaqo oo qaatay laba toddobaad ugu maqnaa dalka Taliyaaniga ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya.

Guddoomiye Ismaaciil ayaa Magaalada Trieste ee dalka Taliyaaniga Kaga qeyb galay shir ku saabsan soo nooleynta meelaha qadiimiga ah oo ay caan ku ahayd magaalada Muqdisho iyo doorka Dawladda Taliyaaniga ee kaga Aadan in dhaqaalaha lagu bixinayo dhismahaas ay qeyb ka qaadato.

Intaas ka dib Guddoomiye Ismaaciil ayaa booqday jaamacadda magaalada Trieste ee dalka Taliyaaniga oo xiriir la leh Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed isagoo dhinaca kale tagay xarun Gabadhaha lagu baro Hiddaha iyo Dhaqanka.

Waxa uu sidoo kale xafiiskiisa ku booqday duqa magaalada Trieste soo dhaweyn diiran ayuuna halkaas ka helay.

Ugu dambeyn maanta ayuu dalka dib ugu soo laabtay Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan.

DHAMMAAD.                                                                                                              Xafiiska warbaahinta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta