XIRITAANKA TABABARKA QORAALKA QUMMAN EE AFSOOMAALIGA (AKADEEMIYADA CILMIGA, DHAQANKA IYO SUUGAANTA)

Maanta oo ay taariikhdu tahay 9/08/ 2023 waxaa Xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta lagu soo gebagabeeyey Tababar ku saabsanaa Qoraalka Qumman ee Afsoomaaliga.  Tababarka waxaa loo qabtay Shaqaalaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta waxaana bixiyey xubno ka tirsan Guddiga Afsoomaaliga ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta. Tababarkan waxa uu socday muddo 10 maalmood ah waxaana ka faa’iideystay in ka badan 35 qofood oo kamid ah shaqaalaha Akademiyada.