Maanta oo ay taariikhdu tahay 21/06/2023 waxaa u soo xirmay Shaqaalaha aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya Tababar ku saabsanaa Qoraalka Qumman ee Afsoomaaliga oo muddo 5 maalmood ah u socday. Tababarka waxaa bixiyey Xubno ka tirsan guddiga Afsoomaaliga ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed. Waxaana ka faa’iideystay in ka badan 40 qof oo kamid ah Shaqaalaha aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.
