XIRITAANKA TABABARKA QORAALKA QUMMAN EE AFSOOMAALIGA (GUDDIGA SHAQAALAHA RAYIDKA EE SOOMAALIYA)

730

Maanta oo ay taariikhdu tahay 22/06/2023 waxaa u soo xirmay Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Soomaaliya Tababar ku saabsan Qoraalka Qumman ee Afsoomaaliga oo u socday muddo 5 maalmood. Tababarka waxaa bixiyey Xubno ka tirsan guddiga Afsoomaaliga ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed. Waxaana ka faa’iideystay in ka badan 30 shaqaale oo kamid ah Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Soomaaliya.