Waxaa maanta Xarunta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Soomaaliya lagu soo gebagabeeyey Tababar ku saabsanaa Qoraalka Qumman ee Afsoomaaliga, oo loo qabanayey qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda isgaarsiinta. Tababarka waxaa bixiyey Xubno ka Tirsan Guddiga Afsoomaaliga Ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta. waxa uuna socday muddo 5 maalmood. Tababarka waxaa soo xiray Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda mudane: Jaamac Xasan Khaliif.