Barnaamij lagu hormarinaayo hiddo dhaqameedka daahsoon ee Soomaaliya oo maanta Laga daahfuray xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo suugaanta.
Muqdisho Febraayo 18,2024: Xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta maanta waxaa laga daahfuray barnaamij lagu hormarinaayo hiddo dhaqameedka daahsoon ee Soomaaliya oo ay iska kaashanayaan Akademiyada iyo hay’adda SAF. Waxaa ku sugnaa goobta ay hawsha ka socotay Guddoomiyaha Akademiyada iyo hawlwadeeno ka socday Akademiyada iyo hay’adaha kale ee ka shaqeeya arrimaha dhaqanka.
Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa maalmihii la soo dhaafay waday dadaallo lagu hormarinaayo hiddo dhaqameedka daahsoon ee Soomaaliya.
DHAMMAAD Xafiiska warbaahinta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta







