XOG WADAAGGA WAX KU OOLKA AH IYO DHISIDDA WADASHAQEYNTA KOOXDA

3355

Tababar ay iska kaashadeen. Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta iyo Ururka Cilmibaarayaasha Soomaaliyeed, ayna ka faa’ideysteen shaqaalaha Akademiyada, ayaa maanta lagu qabatay Hoolka Cali Sugulle ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta.

Muqdisho Febraayo 3,2024:                                                                            Tababarkan ayaa ahaa mid ay si weyn ay uga Faa’ideysteen shaqaalaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta. Waxaa tababarka daahfuray Guddoomiyaha Akademiyada Mudane: Ismaaciil Yuusuf Cusmaan oo la dardaarmay dhammaan hawlwadeennadii ka qeyb galay tababarka in ay ka faa’ideystaan, waxa uuna tilmaamay in hadda kadib xoogga la saari doono, laguna dadaali doono sidii kor loogu qaadi lahaa tayada iyo aqoonta hawlwadeennada Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta.

Dr Shaafici Shariif oo ah tababaraha tababarkan bixinayey, ayaa waxa uu dhankiisa carrabka ku adkeeyey wixii karaankiisa ah in uusan ka hagran doonin shaqaalaha Akademiyada oo iyaga dhankooda u bisil in aqoontooda ay sare u qaadaan.

Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa u mahadceliyay macallinkii tababarka bixinayey iyo Ururka Cilmibaarayaasha Soomaaliyeed dedaalkooda ku aaddan in aqoontooda ay uga faa’ideeyaan shaqaalaha Akademiyada Cilmiga,Dhaqanka iyo suugaanta.

DHAMMAAD                                                                                                            Xafiiska warbaahinta Akademiyada.