XUSKA MAALINTA CAALIMAGA AH EE AFKA HOOYO EE 21KA FEBRAAYO 2023

Waxaa maanta Xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta lagu qabtay Xuska maalinta Caalamiga ah ee Afka hooyo ee 21ka febaraayo, ugu horeyn waxaa munaasabada daah furay gudoomiyaha akadeemiyada cilmiga,dhaqanka iyo suugaanta mudane. Abdikhadir Nuur Xuseen (Maax) Waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin heer Federaal oo ugu horeeyo Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane. Axmed Cismaan Ibraahim, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada mudane. Xuseen Sheekh Maxamuud iyo xeel dheere ahna qoraa afka soomaaliga mudane: Axmed Faarax Cali (Idaajaa)

Halkudhegga Sanadkan 2023 ayaa ahaa “in luqado kala duwan wax lagu barto, waxay lagamamaarmaan u tahay gudbinta aqoonta.”