XUSKA TODDOBAADKA AFKA HOOYO OO LOOGU GOGODHIGAYA XUSKA MAALINTA CAALAMIGA EE 21 FEBRAAYO 2024

1501

Xuska Toddobaadka Afka Hooyo oo loogu gogoldhigaya Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, ayaa ka billowday magaalada Muqdisho.

Muqdisho Febraayo 19, 2024:

Maalin qura ayaa ka harsan Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo; diyaargarow baahsan ayaa laga dareemaya Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo suugaanta iyo Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA).

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, Guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Barafasoor Cabdalla Cumar Mansuur iyo Macallin Siciid Saalax Axmed, iyo bahda waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay barnaamij gogoldhig u ah Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Afka hooyo oo lagu qabtay xarunta AGA.

Barafasoor Cabdalla Cumar Mansuur iyo Macallin Saciid Saalax Axmed ayaa waxa ay madasha ka sheegeen in ay muhiim tahay in la dardargeliyo soo nooleynta Afka.

Guddoomiye Ismaaciil Yuusuf Cusmaan oo xiritaanka madasha hadal kooban ka jeediyey waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii af Soomaaliga u noqon lahaa luuqad saameyn badan caalamka ku leh oo ay dadkeeduna ku faanaan.

DHAMMAAD                                                                                                          Xafiiska warbaahinta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta.