Xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta ayaa maanta lagu qabtay soojeedin ku saabsan kala duwanaanta luqadda ay ku leedahay isu furnaanta ilbaxnimada iyo isdhexgalka dhaqamada, waxaa soo jeedinayay bare sare Xasan Maxamuud Fiidoow.
Qaar kamid ah agaasime waaxeedyada Akademiyada iyo hawlwadeenada Akademiyada ayaa ka qeybgalay soojeedintan uu sameeynayay bare sare Xasan Maxamuud Fiidoow.
Agaasimaha waaxda Hiddaha iyo Dhaqanka Akademiyada Prof Maxamed Cilmi Tooxoow ayaa si gaar uga mahadceliyay ustaad Fiidoow sida uu isugu xilqaamay soojeedintan uusoo diyaariyay, isaga oo sheegay in dhammaan hawlwadeenada Akademiyada ay diyaar u yihiin in ay ka faa’ideystaan.
Intaasi kadib waxaa la guda galay soojeedintii uu soo diyaariyay ustad Fiidoow, dhammaan hawlwadeenada Akademiyada ayaa si aad ugu riyaaqay casharka uusoo diyaariyay ustaad Xasan Maxamuud Fiidoow.
Xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta waa hay’ad cilmibaariseed una furan qof kasta oo diyaar u ah in uu kusoo bandhigo soojeedinno wax tar u leh bulshada Soomaaliyeed.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARBAAHINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE AKADEMIYADA CILMIGA,DHAQANKA IYO SUUGAANTA
