XIRITAANKA TABABARKA QORAALKA QUMMAN EE AFSOOMAALIGA (WASAARADDA WARFAAFINTA DHAQANKA & DALXIISKA)

1945

Maanta oo ay taariikhdu tahay 21/06/2023 waxaa lagu soo gebagabeeyey Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Tababarka Qoraalka Qumman ee Afsoomaaliga kaas oo socday muddo 10 maalmood ah. Tababarkan waxaa bixiyey Xubno ka tirsan guddiga Afsoomaaliga ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta. Waxaana ka faa’iideystay in ka badan 35 qof oo kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska. Waxaa Xusid Mudan in Akademiyada iyo Wasaaraddu ay iska kaashan doonaan Barnaamij la magac baxay” Afka Soomaaliga ka Baro Raadiyaha iyo Telefishinka. Kaas oo mar dhaw bilaaban doona.