Dood-Cilmiyeed ku saasban Xaalufin Deeganka
Munaasabad ay soo qaban qaabisay Wasaaradda warfaafinta ayaa lagu qabtay golaha ka Cali Sugulle ee Akademiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta taas oo looga hadlaayay Xaalufinta Deeganka, waxaa kasoo qayb galay Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo marti sharaf kala duwan sida Ardayda jamacaddaha iyo Mas’uuliyiin kala duwan waxaana goobta lagu gorfeeyay sida looga hortagi lahaa xaalufinta dhirta.
Ugu horeyn waxaa Madasha ka hadlay xeer ilaaliyaha Qaranka Md:Axmed Cali Daahir isaga oo sheegay qodobo micna weyn taabanaaya oo ay ka mid yihiin:
1. Dhibaatadda ka dhalan karto jaridda dhirtu sida xaalufinta & nabaad guurka dhulka, isbeddel cimilo oo ay la timaado xagga roobka taas oo keeni karto abaaro joogta ah, darbar go’a xoolaha nool,dab joog iyo duur joog intaba
2. Muhiimadda ay u leedahay dhirtu Nolosha noolaha oo dhan, bilicda bay’adda, dhulka, soo jiidashada roobka cirka, ku xirnaanta nolosha dadka iwm.
3. Tallaabooyinka ay tahay in la qaado ayaa uu ka xusay
wacyigalin buuxdda in loo sameeyo kuwa dhuxusha shidda
In loo cuskado qodob sharci ah oo adag oo lagu joojinaayo Shaqooyinka qaldan ee ay