Tababar ku saabsan Maamulka iyo maareynta xafiisyada iyo sida looqoro warbixinaha ayaa loo qabtay 25 kamid ah shaqaalaha Akademiyada cilmiga, fanka iyo suugaanta; si korloogu qaado aqoonta shaqaalaha islamarkaana ay u dardar geliyaan hawlaha xafiisyada. Gudoomiyaha Akademiyada Mdne. Cabdiqaadir Nuur Xuseen (Maax) ayaa Shaqaalaha kula dardaarmay in ay ka faa’idaystan Aqoon kororsigan isaga oo sidoo kalena ku adkeeyey in ay ku dabaqaan shaqadooda. Tababarayaasha tibixinayayey tababarkan Prof: Maxamed Cabdulaahi iyo Prof: Cabdinaasir Cali-Aways ayaa waxa ay ka qaybgalayaasha usoo gudbiyeen Duruus la xiriirta maamulka iyo maareynta xafiisyada iyo sida looqoro warbixinaha. Ugu danbeyn ka qaybgalayaasha ayaa ka mahadceliyey tababarkan la siiyey.
Latest article
KAALINTA GABAYGA SOOMAALIYEED EE KU AADAN DIB-U-HESHIISIINTA
Maanta oo ay taariikhdu tahay 23/08/2023 waxaa golaha Cali Sugulle ee xarunta Akadeemiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta lagu qabtay doodcilmiyeed ku saabsan kaalinta gabayga...
XIRITAANKA TABABARKA QORAALKA QUMMAN EE AFSOOMAALIGA (AKADEEMIYADA CILMIGA, DHAQANKA IYO SUUGAANTA)
Maanta oo ay taariikhdu tahay 9/08/ 2023 waxaa Xarunta Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta lagu soo gebagabeeyey Tababar ku saabsanaa Qoraalka Qumman ee Afsoomaaliga. ...
TABABARKA QORAALKA QUMMAN EE AFKA SOOMAALIGA (AKADEEMIYADA CILMIGA, DHAQANKA IYO SUUGAANTA)
Guddiga Afka Soomaaliga oo shaqaalaha Akademiyada u furey Tababar ku saabsan Qoraalka Quman ee Afka Soomaaliga. Kaas oo socon doonna muddo 10 cisho ah....