SHIRKA WADATASHIGA QARAN EE SAMEYNTA SHARCIGA ILAALINTA GOOBAHA HIDDE-DHAQANKA IYO GOOBAHA DABIICIGA AH

1064

Shirka wadatashiga qaran ee sameynta sharciga ilaalinta goobaha hidde-dhaqanka iyo goobaha dabiiiciga ah waxaa daah firay gadoomiyaha Akademiyada cilmiga, dhaqanka iyo suugaanta Mudane: Abdulkhadir Nuur Xuseen (Maax) gadoomiyaha waxa uu in badan ka hadlay in ay muhiim tahay ilaalinta dhaqanka iyo goobaha dabiiciga ah sidoo kale mudane Maaxi waxa uu sheegaay muhiimada koowaad in Akademiyadu ay siin doonto dib u soo nooleynta hidde-dhaqameedka bulshada Soomaaliyeed. Gadoomiyaha Akademiyada waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanuday in guddiga cusub ee hidaha iyo dhaqanka ay qaban doonaan shaqooyin badan ayna dib u soo nooleyn doonaan hidde-dhaqanka Soomaalida.

Waxaa sidoo kale madasha shirka qaran ee sameynta sharciga ilaalinta goobaha hidde-dhaqanka iyo goobaha dabiiciga ah ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare Mudane: Axmed Cusmaan Ibraahim, wasiir ku xigeenka waxa uu in badan ka hadlay muhiimada ay leedahay in la ilaaliyo hiddaha iyo dhaqanka waxa uu sheegay in sameynta sharciga cusub ee hidde-dhaqanka ay muhiim u tahay bulsho weynta Soomaalida wasiir ku xigeenku waxa uu sheegay in Akademiyadu ay ka caawin doonaan qarashaadka ku bixi doona sameynta sharciga cusub ilaalinta goobaha hidde-dhaqanka iyo goobaha dabiiciga ah. Mudane: Axmed Cusman Ibraahim waxa uu hadal kiisa ku soo gaba-gabeeyey in ay la shaqeyn doonaan gudiga cusub ee hiddaha iyo dhaqanka.

Abdiqani Axmed Abdulaahi: wakiilka hey,ada UNESCO waxa uu u mahad celiyey ka soo qeyb galayaasha shirka wadatashiga qaran ee sameynta sharciga ilaalinta goobaha hidde-dhaqanka iyo goobaha dabiiciga ah Mudane: Abdiqani waxa uu sheegay sanadka 2021 dalka Soomaaliya uu xubin toos ah ka noqdeen hey,ada UNESCO, Mudanaha waxa uu sheegay  in dalka Soomaaliya uu saxiixay cahdiga xiriirka goobaha taariiqiga ah ee caalamka.

Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare Mudane: Faarax Sheeq Abdulkhadir waxa uu u mahad celiyey ka soo qeyb galayaasha shirka labada maalin socday wasiirka waxa uu hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay ilaalinta hiddaha dhaqanka iyo goobaha dabiiciga ah.

Wasiir Faarax Sheeq Abdulkhadir waxa uu sheegay in Akademiyada iyo maamulkeeda ay qabteen howlo muhiim ah loona baahnaa sida dib u soo nooleynta Afka Soomaaliya iyo Hidde-dhaqameedka Soomaalida.

Wasiirku waxa uu Akademiyada ku bogaadiyey in cilmiga dhaqanka laga wareysto maamooyinka iyo odayaasha dhaqanka lagana reebo dhaxal qoraal ah, sidoo kale wasiirka waxa uu balan qaaday shirka wadatashiga ah hadii uu dhamaado in uu latagi doono gollaha wasiirada iyo baarlamaanka si,afti guud lowgu qaado sharciyada lasameeyey uuna madaxweynaha jamhuuridda federaalka  ugu soo saaro faafinta rasmiga ah.