Kulan ay isugu yimaadeen kooxaha fanka ee ka dhisan magaalada Muqdisho iyo abwaanada ugu caansan koonfurta Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay Akademiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ayaa lagu qabtay golaha Cali Sugulle ee xarunta Akademiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta taas oo looga hadlaayey sidii dib loogu soo nooleyn lahaa Suugaanta noocyadeeda kala duwan. Isla markaana wax loogu qabani lahaa Abwaanada Soomaaliyeed. Waxaa la isla gartay in loo dhiso meel ay iskugu yimaadan oo ay kuwada shaqeeyaan si loo helo kooxo dhisan oo wax soo saaraya.
Madasha waxaa lagu soo dhaweeyay Ra`iisulwasaaraha xukuumadda soomaaliya Mudane: Xasan Cali kheyre iyo Marti sharaf kala duwan sida aqoon yahada soomaaliyeed iyo Mas’uuliyiin kala duwan waxaana goobta lagu gorfeeyay sidii loo daryeeli lahaa sugaanta iyo sugaanyahanka labadaba.
Ugu horeyn waxaa Madasha ka hadlay Gudoomiyaha Akademiyada Mud: Cabdulqaadir Nuur Xusseen (Maax) isaga oo soo dhaweeyay R/W xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo Martida kala duwan ee kaleba isla markaana u furay madasha. Waxaa kale oo dhanka abwaanada u hadlay Abwn: Xirsi Dhuux Maxamed Wehliye oo ah gudoomiya ku xigenka golaha abwaanadda
Ka dib waxaa meesha ka soo jeediyay gabayo wacyigelin ah Abwaanadda kala ah.
Abwn: Maxamed warsame tabantaabo oo meesha ka soo jeediyay gabay qeyma badan
- Abwn: Faarax siyaad maxamed oo madasha ka gabyay
- Abwn: Axmed cabdulle faarax
- Abwn: Maxamed cabdi faarax
- Abwn: Maxamed xasan farooley
- Abwn: Maxamed axmed farey
Kulankaa waxaa ka soo qayb galay kooxaha fanka ee ka dhisan magaalada Muqdisho ee kala ah:
- Kooxda Waaberi
- Kooxda Horseed
- Kooxda Hillaac
- Kooxda Onkod
- Kooxda Deegaan
- Iyo Kooxda Hiddo
Ugu dambeyn waxaa madasha soo xiray RW Mdne: Xasan Cali khayre asagoo ku gebagabeeyay sidii ay abwaanadu u sii hormarin lahaayeen suugaanta iyo inay kula dagaalamaan qabyaalada iyo Musuqa.
Sidoo kale waxa uu ku baraarujiyey Rwasaaruhu kuna adkeeyey Abwaanadda in ay hormuud ka noqdaan wacyigalinta bulshada iyo kaalinta suugaanta ee dhismaha qaranka isaga oo ku bogaadiyey sida qori isku dhiibka ah ee ay Abwaanadu u soo saarayaan una dhiirigalinayaan Abwaanadda Da’da yar kuwaas oo Madasha ku soo bandhigey suugaan qiimo leh “Ra`iisulwasaaraha iyo madaxweynuhu way aqoonsanyihiin kaalinta Abwaanadda ay kaga jiraan bulshada” sidaa waxa yiri RW Kheyre. Isaga oo ku dhiiri galiyey sidii ay Abwaanadu suugaantooda ugaga qayb qaadan lahaayeen soo celinta dhismaha nabadda dowladnimadda
“Suugaanta waa in lagu horseedaa nabadda iyo xasiloonida, dib u heshiiisiinta, midnimda ummmadda, deminta collaadaha, dib u dhiska dalka iyo ku kala saaridda xaqa iyo baadhilka.” ayuu kula dardaarmay abwaaniintii meesha isugu timid.