GUDDOOMIYAHA AKADEMIYADA OO HAMBALYO U DIRAY GUUD AHAAN ARDAYDA SOOMAALIYEED

2743

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta oo hambalyo u diray guud ahaan ardayda Soomaaliyeed ee ka qeyb galeysa Imtixaanka shahaadiga.

Muqdisho June 22 2024;

Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa hambalyo, dardaaran iyo duco isugu jirta u daray dhammaan Ardayda Soomaaliyeed ee ka qeyb galeysa sannadkan imtixaanka shahaadiga ah oo qaadeyso wasaaradda Waxbarashada Hiddaha Iyo Tacliinta Sare.

Guddoomiye Ismaaciil ayaa ardayda kula dardaarmay in ay is dajiyaan oo ay alle tala saartaan isaga oo sheegay in imtixaanka kaliya uu yahay qiimeyn, waxa kale ee uu xusay Guddoomiyaha Akademiyada in sannadba sannadka ka dambeeya lagu tillaabsanyo hormaro dhinac weliba taabanaya.

Dhanka kale Guddddoomiye Ismaaciil ayaa Mahad ballaaran u jeediyay madaxda iyo hawlwadeenada wasaaradda waxbarashada dadaalka ay geliyeen iyo sidii loo horumarin lahaa imtixaanka Qaranka oo hadda 10 jirsaday.

Si kastaba imtixaanka shahaadiga ah oo ay qaadeyso wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ayaa sannadkan waxaa u fariistay 37038 arday oo kakala socotay 803 dugsi iyadoona imtixaanka lagu galayo 36 degmo oo dalka ah.

DHAMMAAD                                                                                                        Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka dadweynaha ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta