SAHANKA QALINJEBIYAASHA JAAMACADAHA DALKA 2017

Akademiyada Cilmiga Fanka, iyo Suuganta ayaa manta martigalisay kulan balaadhan oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Iftin Foundation laguna qabtay Hollka Ali-Sugule ee Akademiyada. Waxaan ka soo qayb galay wasiiru-dowlaha wasaaradda wax barashada, Hiddaha iyo taclinta sare Mudane:c/raxmaan Maxamuud cabdulle (Jaabiri)Madaxa hay’ adda iftin foundation Agaasimayaal maddaxda daladaha dalka maddaxda jamacadaha dalka lataye-yaal,martisharaf kale, iyo ardayda ka soo qalin jabisay Jaamacaddaha dalka.

Hay’adda Iftin Foundation ayaa madashada kusoo bandhigtay sahanka (survey) ay sameysay oo waxanay u soo diyaarisay qaab aad u qurux badan, waxaana ay xuseen in sanadkii- 2017 ay ka soo qalin jabiyeen Jaamacadaha dalka arday dhan 11,263 arday oo ka kooban 7,4600 wiil iyo 3,803 gabdhood tiradaan oo marka Boqoley ahaan loo dhigo Noqoneysa,66%wiilal ah iyo 34% oo gabdho ah.

Waxaa kale oo ay Iftiin Foundation soo bandhigeen barnaamish magaciisu la yidhaahdo (E-check Somalia ) oo ah bar laga hubiyo saxnaanta shahaadooyinka Jaamacadaha dalka si loo hubiyo loona kala saaro shahaadooyinka dhabta ah iyo kuwa been abuurka ah ama foojariga ah.

Dhammaan madaxdii ka soo qayb gashay kulanku waxa ay aad u amaaneen nidaamka (E-check Somalia) waxaaney Rajo fiican ka muujiyeen xaalada uu hadda dalka maraayo oo runtii ah mid lagu farxo iyaga oo ka waramaayey unasawirey ka qayb galayaasha 20 sanno ka hor dalka xalaada uu ku sugnaa iyo halka maanta lamaraayo .

Ugu dambeyn wasiiru dowlaha wasaarada waxbashada oo kulanka soo xidhay ayaa ka dhwaajiyey in ay dawladu mas`uul ka tahay tayadda iyo qiimeynta waxbarashadda dalka.

Sidoo kale waxa uu xusay in la dhamaystiray sharcigii qeexayey nidaamka waxbarashada dalka oo ay ansixiyeen Golaha wasiiraddu, islamarkaana loo qudbiyay Golaha Barlamaanka oo uu hadda horyaalo.

Sharcigan oo dalka muhiimad wayn u leh ayaa ay ka qayb galayaashu aad ugu farxeen waayo waxa uu hagi doonaa dhammaan siyaasadda waxbarashadda dalka insha allah

Somasa Online

Xafiiska Mugdisho

somasa.gov.so